Home Opinion News Music Forums About as

Minneapolis Convention Center (HOL) 24/6/2009

Minneapolis Convention Center (HOL) - Kullan balaaran oo loogu magacdaray Wax Baro ujeedadiisuna aheyd in loogu hambaliyeeyo laguna wacyi galiyo ardayda qalin jabisay sanad dugsiyeedka 2009 dugsiyada sare iyo Jaamacadaha gobolka Minnesota ayaa lagu qabtay xarunta shiraarka ee Minneapolis Convention Center ee bartamaha magaalda Minneapolis, Minnesota.

Gobolka Minnesota ayaa sanadkan 2009 waxaa ku qalin jabiyey arday soomaali ah oo gaareysa ilaa iyo 450 arday oo heerar kale duwan ah una badan kuwa dugsiyada sare “Inta badan ardaydu waxey ka haraan waxbarashada una weecaan xaga meheradaha marka ay dhameeystaan waxbarshada dudsiyada sare, sidaa darteed,, waa in la hubiyaa laguna dhiira galiyaa in aysan ka bixin saaxada wax barashada kuna biiraan jaamacadaha” ayuu yiri Abdirahman Kaahin oo ka mid ahaa dhilinyaradii soo qabanqaabisay barnaamijka Wax Baro mar aan wax ka weydiiyey ujeedada qorshahooda.




Kulankan oo la sheegay in la qaban doono sanadkiiba mar ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne fara badan oo isuga jiray bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa halkaas lagu soo bandhigay riwaayad, gabayo, dood wanaag ay ka qayb qaateen aqoonyahano soomaaliyeed oo wax ku bartay hanaanka wax barashada wadankan, kuwaas oo ka jawaabayey su`aalo ay ka mid yihiin khibradahooda waxbarasho, sida ay u doorteen maadooyinka ay ku takhasuseen iyo caqabadihii ay la kulmeen xilligoodii waxbarashada.


Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadalay qaar ka mid ah waalidiintii ay caruurtooda qalin jabiyeen isla markaana mahad balaaran uu celiyey dhalinyaradii soo abaabushay qorashahan Wax Baro. “waan faraxsanahay marna waa murugeysanahay” ayeey tiri hooyo Qadro Hassan oo uu dhalaankeedu ka mid ahaa ardaydii qalin jabisay. “waxaan ku faraxsanahay in maanta uu qalin jabiyey cunugii aan uurkiisa lahaa maalintii aan ka soo qaxay dhulkii hooyo, waxaana ka murugeysanahay dhalinta soomaaliyeed ee aan helin fursadaan oo kale iyo colaada ku daba dheeraatay wadankeenii hooyo” ayeey raacisay hooyadaas oo hadalkeedii aad u qiiro galay dadkii halkaas isugu yimid.

Ugu danbeytii, aqoonyahanadii halkaas isugu yimid ayaa u balan qaaday talado iyo tusaalaba in ay diyaar ula yahiin walaalahooda jecel in ay wax bartaan iyagoo kala

xiriirikara Waxbaro.org
A.Jahweyn, Hiiraan Online
jahweyn@hiiraan.com
Minneapolis, Minnesota




Dayaxnet